USA: Wasiirka Waxbarashada oo si dirqi ah lagu ansixiyey – VIDEO

Published: February 8, 2017

Wasiirka ama Xoghayaha Waxbarashada ee Xukuumada Trump ayaa si dirqi ah xalay lagu ansixiyey kadib markii uu xisbiga mucaaridka ah ee Dimuquraadiga Maraykanka si adag uga horyimid inay haweenaydan Betsy DeVos qabato xilkaasi.

Xalay markii codka loo qaadayey ansixinta Wasiirada ayey 50 xildhibaan ee Aqalka Sare ah u codeeyeen halka 50 xildhibaan oo kale kasoo horjeesteen ansixinteeda.

Maadaama Xildhibaanada Aqalka Sare ay isku mari waayeen cododka, waxaana sida sharciga dalkaasi qorayo markaasi awooda hal cod ah loo siiyey Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence oo isagu codkiisa ku taageeray ansixinta Xoghayaha Waxbarashada. Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo qaabkan lagu ansixiyo xubin kamid ah Golaha Wasiirada Maraykanka.

Betsy DeVos oo iyadu kasoo jeeda qoys maalqabeen ah ayaan wax khibrad ah ullahayn arrimaha Waxbarashada, isla markaana kusoo caan baxday inay si weyn uga soo horjeedo ama ulla dagaalanto adeega dowlada ee Waxbarashada, waxayna u ololeyn jirtay Iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay, iyadoo maalgelin jirtay ururo kala duwan iyo waliba xisbi Xaakimka hada talada haya ee Jamhuuriga Maraykanka.

Haweenaydan ayaa waji gabax ka raacay xiligii Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka su`aalo ka weydiiyeen arrimaha Waxbarashada iyadoona ka jawaabi weyday su`aalo muhiim ah oo la xariira nidaamka Waxbarashada ee dalkaasi.

Magacaabida Betsy DeVos ayaa la xariirta maadaama ay haweenaydaasi ay kamid tahay Maalgeliyayaasha xisbiga talada la wareegay, waxaana loo arkaa inay qorshaheeda uu yahay sidii ay dhaqaalaha dowlada Waxbarashada ugu talo gashay ay ugu wareejin lahayd iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay, taasi oo dhaawac weyn ku ah ardayda kasoo jeeda qoysaska dabaqada dhexe iyo dadka saboolka ah.

Waxaa iyaguna si weyn uga horyimid haweenaydan la magacaabay iskaashatooyinka macalimiinta Maraykanka iyo iskuulada dalkaasi oo ku tilmaamay Wasiiradan mid khatar ku ah guud ahaan adeega waxbarashada dalka Maraykanka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *