In ka badan 58 arday oo ka qalin jabisay jaamacadda culuumta caafimaadka ee magaalada Bosaso -Sawiro

Published: February 18, 2017

Jaamacadda culuumta caafimaadka ee magaalada Bosaso-Puntland Soomaaliya ayaa waxaa ka qalin jabiyey arday baratay caafimaadka, kuwaasi oo ku soo biiray kaadiriinta caafimaadka.

Tirada ardayda qalin jabisay ayaa ahayd 59, kuwaasi oo isugu jiray gabdho iyo wiilal.

Ardayda ka qalin jabisay jaamacadda ee shahaadada la gudoonsiiyey ayaa sidoo kale isugu jiray arday baratay kalkaalisanimada oo dufcaddii afaraad oo bajular ah , kuwa bartay caafimaadka guud oo dufcaddii koowaad oo bajular ah iyo arday baratay umulisanimda oo dufcaddii labaad oo bajular ah.

Xafladda shahaado gudoonsiinta ardayda ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta jaamacadda, waxaana ka soo qeyb galay maamulka jaamacadda, gudoomiyaha gobolka Bari, wasiiru dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland, madaxa caafimaadka asaasiga ee wasaarada caaafimaadka u qaabilsan gobolka Bari, aqoonyahano, waxgarad, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale

Waxaa la guda galay shahaado gudoonsiinta ardayda, iyadoo munaasabadda ay ahayd mid si weyn loo diyaariyey

Intaaasi kadib Prof. Cabsaasiga dirisaaq Xuseen Xasan oo ah gudoomiyaha jaamacadda culuumta caafimaadkaa ayaa ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay in jaamacadda tan iyo markii la dhisay ay ku howlan tahay soo saarista kaadiriin caafimaad, kuwaasi oo lagu kalsoon yahay.

Waxa uu intaasi ku daray Prof. Cabdirisaaq Xuseen Xasan in ardayda qalin jabisay ay diyaar yihiin in ay ka howl galaan goobihii ay ka yimaadeen.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo ayaa sidoo kale ka hadlay madasha waxa uuna sheegtay in cilmiga wax lagu noqdo, isla markaana qofka aqoonta leh uusan la mid ahayn kan jaahilka ah, iyadoo hambalyo u dirtay ardayda qalin jabisay.

Wasiiro dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye ayaa isna ka hadlay goobta waxa uuna sheegay in ay tahay maalin weyn maadaama ay qalin jabinayaan arday baratay caafimaadka, kuwaasi oo ka howl galaya shaqada adduunka ugu fiican oo ah dhakhtarnimo sidoo kalena hambalyo u diray ardayda..

Hormuudka arrimaha ardayda ee jaamacada Saciid jaamac Faarax ayaa goobta ka jeediyey khudbad dheer oo ka hadlaysay marxaladihii kale duwanaa ay soo martay jaamacadda

Si kastaba ha ahaatee jaamacadda culuumta caafimaadka ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn Soomaaliya, waxaana la asaasay sanadkii 1998, iyadoo ay ka qalin jabiyeen arday farabadan kuwaasi oo ka howl gala dalka dibadiisa iyo gudahiisa.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *