Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey Safiirka Britain.

Published: February 18, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey safiirka Midowga Boqortoyada (United Kingdom) David Concar.

David Concar ayaa la soo magacaabey dhamaadkii sanadkii hore waxaana uu bedalay Harriet Mathews.

Safiirka cusub iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa kawada hadley shir Ingriisku u qabanayo arrimaha Soomaaliya oo sanadkan ka dhacay magaalada London kaas o uu shir guddoomin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi. Sidoo kale waxay ka wada hadleen xaaladda abaarta iyo digniinta laga soosaarey macalusha ay qarka u saaran yihiin kumaankun qof oo Soomaali ah iyo sida Britian ay gacan uga geysan karto.

David William Concor ayaa shaqadiisa bilaabey isaga oo aan warqadaha laga qaban wuxuuna ka baaqsadey in uu u gudbiyo Xasan Sheekh Maxamuud maadaama xilku ka dhamaadey bishii Seteembar 2016 waxaana warar hoose sheegayaan in uu aaminsanaa in uu sharci darro ahaa taasina keentey in uu sugo Madaxweynaha cusub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *