Iraq: Dagaal ka bilowday Galbeedka Mosul – VIDEO

Published: February 20, 2017

Magaalada Mosul ayuu dib uga bilowday duulaanka ciidan ee lagu doonayo in magaaladaasi looga saaro kooxda Daacish.

Ciidamada Dowlada Ciraaq oo gacan ka helaya dalalka NATO ayaa ku guuleystay inay Bariga magaalada Mosul ka saaraan kooxda ISIS, balse hawlgalkaasi ayaa qaatay muddo bilo ah iyo waliba khasaare badan oo soo gaaray ciidamada.

Maleeshiyaadka kooxda Daacish oo hada isku aruursaday Galbeedka magaalada ayaa la filayaa inay iska caabin xoogan kala hortagaan ciidamada dowlada Ciraaq oo doonaya inay la wareegaan xaafado muhiim ah oo ku yaal qeybaha qadiimka ah ee magaalada.

Duqeyn xoogan ayey ciidamada la beegsadeen deegaanada Daacish ay ku sugan tahay, waxaana dhanka cirka ka duqeenaya diyaaradaha dagaalka. Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in khasaaro baaxleh ay soo gaarto dadka rayidka ah ee magaalada weli ku sugan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *