Madaxweyne Farmaajo oo maanta lagu caleema saarayo Muqdisho

Published: February 22, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah loogu caleema saarayaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Xafladda Caleema saarka ayaa ka dhacaysa isla halkii lagu doortey Madaxweynaha ee Xeradii ciidanka cirka ee Afisiyoone.

Waddooyinku waa xiran yihiin sidoo kale ganacsiga ayaa gebi ahaanba xiran

Waxaa xiran dhamaan jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa xaniban duulimaadka diyaaradaha rayidka marka laga reebo kuwa sida martida ka soo qayb-galaysa Caleema-saarka.

Waxaa kamid ah marti sharafta la sugaayo:

  • Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gheele
  • Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
  • Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn
  • Iyo Wakiilo kale oo ka socda dalalka Jaamacadda Carabta, Afrika iyo Yurub

Waxaa ku sugan Muqdisho inta badan madaxda Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa caleema saarka ka qayb-galaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horey xilka u wareejiyey.

Waxaa marti sharafta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweynaya raysalwasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Soomaaliya ayaa ka duwan dalal badan oo caalamka ah marka laga hadlaayo caleema saarka iyo xil la kala wareegidda iyo weliba xiliga ay dhacdo dhaarinta Madaxweynaha, Madaxweynaha ayaa lagu dhaariyaa isla goobta lagu doortey isaga oo aan weli xilka la wareegin taas oo ka duwan baratakoolka caalamka intiisa badan isticmaalaan, waxaana si weyn isugu dhex-yaaca baratakoolka soo dhaweynta martida xiliga caleema saarka oo ay ahayd in ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha xilka ka degaaya.

2012

Xafladdii caleema saarka ee Xasan Sheekh Maxamud ee la qabtey 16.09.2012 waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jabuuti, Ra`iisul wasaaraha Itoobiya, Ra`iisul wasaare kuxigeenka Turkiga, Ra`iisul wasaare ku xigeenka Yugandha, Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Qadar, Lataliyaha madaxweyanah Suudan, Gudoomiyaha Midowga Africa, Wakiilka Qaramada Midoobaye ee Soomaaliya, Wakiilka Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka, Ururka IGAD, Midowga Yurub iyo marti sharaf kala duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *