Bangiga Amal Oo Garoowe ku daah-furay mashruuca maal gelinta Ganacsiga yar-yar-Sawiro

Published: February 24, 2017

Bangiga Amal ayaa wuxuu xaruntiisa dhexe ee ku taal magaalada Garoowe ku daahfurey mashruuca maalgelinta ganacsiga yaryar wajigiisa labaad, Mashruucaan oo ay iska kaashadeen wajigiisa labaad Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Bangiga Amal ayaa si isku mid ah uga bilaabmi doonaa dhammaan xarumaha Bangiga Amal ee Soomaaliya.

Mashruucaan oo ah deyn aan dulsaar lahayn (Qardul-xasan) taas oo ay ka dhigan tahay in qofka lasiinaayo lacag caddaan ah oo aan dulsaarlayn ayaa lacagta loo qoondeeyey waxay gaaraysaa $400,000 (afar boqol oo kun oo dollar). $200,000 oo ka mid ah lacagtaas waxay ka imaanaysaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waana dayn aan dulsaar lahayn (qarad xassan) oo Bangiga Amal ka qaatay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Qaybta kale, $200,000, waxa ku daray Bangiga Amal.

Cabdikheyr Abshir Jama madaxa suuqgeynta Bangiga Amal ayaa dhankiisa ka hadlay marxaladii iyo heerarkii uu soo maray mashuurcan, waxaanu yiri :

Mashruucan waxaa wajigiisa kowaad la daahfurey bishii july 2015, waxaana iska kaashanaayay Bangiga Amal, Hay`ada shaqaalaha adduunka (ILO) iyo Gudiga hormarinta degmooyinka (LED), waxaana laga hirgeliyay degmooyinka kala Bosaso, Qardho iyo Garoowe, waxaa Alle mahadiis ilaa iyo dhamaadkii 2016 in ay ka faa`iideysteen ganacsato gaaraysa 287 qof, iyadoo la gaarsiiyay lacag dhan $267,150, waxayna ahaayeen ganacsatadaasi dumar iyo dhalinyaro, waxaa kaloo jirey iyaguna ilaa 50 dumar ah oo bishii October 2016 ka faa`iideystay mashruuca maalgelinta Ganacsiga yar-yar waxaana iska kaashaday Bangiga Amal iyo UN-women.

Bangiga Amal oo kaashanaaya waayo aragnimaduu ka helay hirgelinta mashruucan labadii sano ee la soo dhaafay iyo aqoonta shaqalihiisa ayaa mashruucan wajigiisa labaad uu ka hirgelindoonaa ilaa 17 magaalo oo ka mid ah dalka soomaaliya, waxaana u qorsheysan inuu gaarsiiyo mashruucan ilaa 1,000 ganacsatada haysata ganacsiga yarar dhamaantoodna waxa qorsheysan inay noqdaan dumar suuqa dhaqdhaqaaqa ku leh.

Maamulaha guud ee Bangiga Amaloo madasha ka hadlay ayaa cadeeyay ujeeddada mashruucaan waxaana uu yiri :ujadeeddadu waa in Bangiga Amal qayb ka noqdo horumarinta iyo garab istaagga dumarka ganacsiga yarar heysta. Himilooyinka mashruucaan waxaa ka mid ah yaraynta faqriga, sare u qaadista tayada nolosha ee danyarta, iyo in dadka danyarta ah loo sameeyo ilo dhaqaale. Dhinaca kale, himilooyinka mashruucaan waxaa ka mid ah in bulshadu u aragto in Bangiga Amal uu qayb ka yahay horumarka danyarta

Mashruucaani aad ayuu uga duwanaan doonaa mashaariicda kale ee micro finance-ga ah ee bangiyada kale bixiyaan. Mashruuca waxa garab socda tababbaro gaagaaban oo loo qaban doono dadkaas iyo la talin joogto ah.

Dhank kale wasiiradda haweenka ee dawladda Puntland Marwo/ Aniisa Xaaji Muumin oo ka mid hayd ka soo qeybgalayaashii daahfurka mashruuca maalgelinta ganacsiga yaryar ayaa dhankeeda ku amaantay Bangiga Amal mashruucan uu daahfurey kuna tilmaamtay inuu yahay bangi marwalba u taagan hormarka bulshada isla markaasna uu yahay bangiga ugu shaqaalaysiinta badan dhanka dumarka.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *