Ra`iisul-wasaare Khayre oo ka tanaasulay Saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOME OIL AND GAS

Published: February 24, 2017
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre

Ra`iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa war qoraal ah oo uu ka soo saraay magaaladda Muqdisho wuxuu ku sheegey inuu ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOMA OIL AND GAS ee dalka Ingiriiska Fadhigeedu yahay.

Ra’isul Wasaaruhu wuxuusheegay in go’aankan uu u qaatay in ay tahay in uu doonayo in uu fursad uu siiyo Howlaha Qaranka ee horyaalla iyo gudashada waajibka Dastuuriga ah ee saaran islamarkaana uu ku talagalay in wax saami ah ku yeelan shirkada

“Marka si aan u guto mas`uuliyadda isaaran islamarkaana uga fogaado waxkasta oo isku dhac ah oo ka imaan kara mas`uuliyaddii aan ka hayay Shirkadaasi iyo Saamiyadii aan ku lahaa si dhaqsi leh ayaan uga tanaasulayaa”, ayuu yiri Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna sii raaciyay

“Waxaa. hubaa in aad u fahamteen in dadaalkayga iyo danaheyga oo idil aan ku bixindoona hadda kadib horumarainta dalkeyga iyo dhismaha dowladda wanaagsan oo ka hana qaada Geyiga Soomaaliya” ayuu yiri

Gabagabadii, Ra’isul Wasaaraha cusub oo 23 bishan February uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saamiga lacageed ee uu ka tanaasulay lagu sheegay Labo Milyan sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Sonna.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *