Galmudug: Shacabka iyo Xildhibaanada soo dhaweeyey iscasilaada Guuleed

Published: February 27, 2017

Shacabka ku dhaqan xarunta KMG ah ee Galmudug ee Cadaado ayaa si weyn usoo dhaweeyey iscasilaadii uu shalay ku dhawaaqay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikarim Xusen Guuleed.

Guuleed ayaa horey waxa xilka uga qaaday inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, arrintaasi oo uu ku gacanseeray, Madaxweynihii hore ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada Cadaado kahor xiligii doorashada Madaxweynaha.

Cabdikariim Guuleed oo ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada ee Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud ayaa kadib guuldaradii xisbigooda ay kala kulmeen doorashadii Federaalka safar ugu baxay dalka India, halkaasi oo horey qaliin dhanka Wadnaha ah loogu sameeyey.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa iscasilaadiisa ku sheegay inay la xariirto arrimo caafimaad. Cabdikariim Guuleed ayaa sidan oo kale isaga casilay xilka Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga ee Dowlada Federaalka sanadkii 2014, kadib weerarkii kooxda Al Shabaab ku qaadeen xarunta Baarlamaanka. Wuxuuna ahaa lataliyaha Madaxweyne Xassan Shiikh kahor intuusan ku guuleysan doorashadii maamulka Galmudug.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *