Qaraxyo Xoog Badan oo Ka Dhacay Muqdisho-sawiro / VIDEO

Published: March 13, 2017

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay Qaraxyo Xoogan oo ka dhacay Wadada Maka-almukarama, gaar ahaa irida hore ee Hotel Weheliye iyo Warshadii hore ee Nacnaca ee Magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya

Qaraxan oo ka dhacay wadada ugu mashquulsan Muqdisho ayaa sida la sheegay waxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee Hotel Weheliya, waxaa kaloo qaraxa ku dhaawacmay10 qofoo la sheegay inay ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay

Ciidamadda iyo baabuurta gargaarka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxu, waxaana la sheegayaa in khasaaruhu uu aad u badan yahay, iyadoo xiliga qaraxu dhacay ay dad badani fadhiyaan baararka ka soo horjeeda hoteelka iyo dad kale oo goobta ka agdhawaa.

DhinacakaleQarax kale ayaa ka dhacay degmada Wadajir eemuqisho, waxaana loo adeegsadaygaari Hoomey ah oo marayey agagaarka Warshadii Hore ee nacnaca , waxaana la sheegay in uu ku geeriyooday wadihii gaariga , qaraxa ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo fudud.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *