IRAQ: Ciidamada Dowlada oo dilay mid kamid ah hogaamiyayaasha Daacish

Published: March 15, 2017

Ciidamada Dowlada Ciraaq ee ka dagaalamaya magaalada Mosul ayaa sheegay inay dileen abaanduulihii xoogaga Daacish ee Galbeedka magaaladaasi.

Abu Abdulraxman Al Ansary ayaa ahaa hogaamiyaha xoogaga ka dagaalamaya Galbeedka magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Ciraaq ee Mosul.

Hogaamiyayaasha Daacish ayaa la rumeysan yahay in intooda badan isaga baxeen magaalada Mosul oo ay hada qeybo badan oo kamid ah la wareegeen ciidamada dowlada Ciraaq.

Waxaa xiligan dagaal xoogleh ka socdaa nawaaxiga buundada ku taal Galbeedka Mosul ee isku xirta xaafadaha Qadiimka ah iyo Bariga magaalada. Buundada Birta ayaa la sheegay inay difaac uga jiraan maleeshiyaadka Daacish ee weli ka dagaalamaya gudaha Mosul.

Daacish ayaa dagaal adag kala hortagtay ciidamada Dowlada oo la sheegay inay tiro ahaan gaarayaa 40-kun oo askari, kuwaasi oo si taxadarleh doonaya inay xaafad xaafad uga saaraan dagaalyahanada ISIS.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *