Holland: Xisbiga Raysalwasaaraha oo markii 3aad guuleystay – Sawiro / VIDEO

Published: March 16, 2017

Doorashadii Baarlamaanka Holland ee Arbacadii shalay dhacday ayey guusha raacday xisbiga VVD ee Raysalwasaaraha xilka haya Mark Rutte, iyadoo horey loo saadaalinayey in Xisbiga Xagjirka ah codod badan helo.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Islaamka neceb PVV ee uu hogaamiyo Geert Wilders ayaa kaalinta labaad galay isagoo helay 20 kursi, walow tirada xisbigaasi uu helay ay aad uga yareyd tii la filayey.

Xisbi Xaakimka VVD ayaa hada noqonaya xisbiga ugu weyn isagoo helay 33 Kursi, waxaase xusid mudan in xisbigaasi uu dhumiyey in ku dhaw 7 kursi, sidoo kale xisbiga Shaqaalaha PvdA oo ay isbaheysiga kuwada jireen ayey guuldarada ugu weyn raacday iyagoo horey u heysta 38 kursi ayey hada heleen 9 kursi oo kaliya, waxayna dhumiyeen 29 kursi.

Geert Wilders hogaamiyaha xisbiga Xagjirka ah ee PVV“…Waxaa guul weyn u ah dalka Holland in doorashadan aan hor joogsanay in ay guusha raacdo kuwa naga soo horjeeda sidii dhacday doorashadii Maraykanka iyo aftidii Brexit….” ayuu yiri Raysalwaare Rutte oo sheegay inay ku guuleysteen inay ka hortagaan xisbiga xagjirka ah ee PVV.

Xisbiyada D66 iyo CDA ee lagu tilmaamo dhex dhexaadka ayaa iyaguna kuraas dheeraad ah helay oo wada galay kaalinta sadexaad, wuxuuna midkiiba helay 19 kursi.

Dhinaca garabka bidix guusha ugu weyn ayey raacday xisbiga GroenLinks oo helay 10 kursi oo dheeraad ah iyagoo horey u heystay 4 kursi oo kaliya.

Xisbiga Cusub ee Muslimiinta u badan ee DENK oo iyagu horey 2 kursi uga soo goostay xisbiga PvdA ayaa helay kursi dheeraad ah, waxayna ku tilmaameen natiijada guul taariikhi ah. Xisbigaasi ayey codka siiyeen dad badan oo Muslimiin ah.

Doorashada ayey ka qeyb qaateen 28 xisbi oo ay ku jiraan kuwo badan oo cusub, waxaana ugu danbeyntii kuraas helay 13 xisbi oo qeybsanaya 150 kursi ee Baarlamaanka.

Waxaase hadal heynta ugu weyn ay tahay in ninka lagu tilmaamo cunsuriga ee Geert Wilders xisbigiisa PVV uusan ku guuleysan inuu noqdo kan ugu weyn dalka Holland, waxaana arrintan si weyn ugu farxay dalalka Midowga Yurub oo cabsi weyn ka qabay in Xagjiriinta la wareegaan hogaaminta dalkaasi Holland oo xubin muhiim ah ka ah EU-da.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *