Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia.

Published: March 18, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta, halkaas oo u tegay hawlo shaqo oo la xiriira kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ayaa waxaa uu soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dawladda Etihopia.

Dr.Gaas ayaa markii uu soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopian waxaa garoonka diyaarada ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia mudane Workneh Gebeyehu.

Soo dhawayn kadib ayaa madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Etiopa Mr. Workneh Gebeyehu waxay kulan gaar ah ku wada yeesheen qolka nashada marti sharafta ee garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport.

Kulankan gaar ah ee Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia wada yeesheen ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka Puntland iyo Dawladda Ethiopia, xasiloonida iyo adkaynta nabadgelyada, la dagaalanka Argagaxisada iyo sidoo kale kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan.

Sidoo kale kulnka ayaa waxaa looga wada hadlay isbedelka doorashii ka dhacaday Soomaaliya iyo guud ahaanba siyaasada Soomaaliya iyo sidii hore loogu sii socon lahaa, Soomaaliyana loo gaarsiin lahaa heer wanaagsan oo looga gudbi karo caqabadaha ka jira ammaanka iyo heerka nolosha.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Ethiopia ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey doorka wanaagsan ee Puntland markasta ka qaadato la dagaalanka budhcad badeeda iyo kooxa argagaxisada ah, kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo uga mahadnaqay Dawladda Ethiopia xiriirka dhow ee ay markasta la leedahay Puntland, ayaa dhinaca kalena tilmaamay inay xiligani jiraan Abaaro iyo colaado soo noq-noqday oo ku baahay Soomaliya, gaar’ahaana Puntland ay abaarahaasi ay ka geysteen macluul iyo haraad xoogan oo dabar jaray dad iyo duunyoba, islamar’ahaantaana xaalufiyey deegaan ka dulka.

Ugu danbayn: Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay magaadala Addis Ababa waxaa uu kulamo gaar-gaar ah la yeelan doonaa madaxda sare ee Dawladaasi.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *