Qardho: Deeq Raashiin Biyo, iyo lacag ka kooban oo lasoo bandhigay (Sawiro)

Published: March 18, 2017

Deeqdan oo ka koobnayd qaybaha kala duwan ee raashiinka, lacago cadaan ah booyado biyo ah iyo dhar iyo kabo ayaa lagu soo bandhigay gudaha magalada Qardho waxana deeqdan uruurinteeda ay socotay mudo asbuuc ah iyadoona ay u istaageen uruurinta deeqdan dhalinyaro mutadawiciin ah oo ka danqaday dhibaatada haysata walaalahooda abaartu saamaysay.

deeqdan ayaa laga uruuriyay xaafadaha kala duwan ee magalada Qardho iydoon laan walba ay iskeeda isu xilqaantay waxana hormuud u ahaa howshaasi khayriga ah dumarka iyo maamulka degmada, markii la isu geeyay dhamaan raashinka iyo lacagaha waxa ay noqden sida tan:

25,000,000 (shan iyo labaatan malyan oo shilin soomaali ah)

$1150 (kun iyo boqol iyo konton doolar)

35 kiis oo barris ah, 33 kiis oo bur ah, 32 kiis oo sonkor ah, 15 kartoon oo saliid ah, 17 kartoon oo basto ah, 4 bundadood dhar iyo kabo isugu jira iyo 3 booyadood oo biyo ah.

Deeqdan gurmadka ah ayaa soo uruurinteeda waxaa iska kaashaday dhalinyaro mutadawiciin ah oo kaashanaya maamulka degmada iyo qaar kamid ah suxufiyiinta ka howlgala dhalinyaradaasi isu xilqaantay barnaamijkaasi khayriga ah ayaana kala ah.

  • Maxamuud Maxamed Axmed Ibriday
  • Axmed Cilmi Sugulle
  • Axmed Maxamed Cismaan Warfaa
  • Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
  • Maxamuud Xasan Qanciye
  • Nimco Xasan Bakaal
  • Axmed Muuse Cali

Deeqdan ayaa isla maanta laga anbabixiyay gudaha magaalada Qardho iyadoona lagaarsiin doono dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan miiga gobolka karkaar gaar ahaan Magaalada Qardho, xiligan dadka reer miiga ayaa dhibaatooyinka haysta waxa ugu wayn biyo la’aan iyo baad la’aan waxana inta badan gurmadyo kala duwan oo biyo iyo raashiin ah gaarsiiya gudiga gurmadka abaaraha ee culimada ah Hay’adaha iyo dad iskooda isu xilqaamay oo bulshada wax kasoo uruuriya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *