Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya oo la magacaabay

Published: March 20, 2017

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo xilkii laga qaaday agaasimihii hore ee xilkaasi hayey.

Cabdinuur Maxamad Axmad ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, waxaa xilkaasi horay u hayey Shador Xaaji Maxamuud oo 4-tii sano ee la soo dhaafay la shaqeynayey madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa horay u magacaabay xilal, waxaana dhawaan la filyaaa in la magacaabo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan magacaabista golaha wasiirada.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *