Donald Trump oo ku guuldaraystey in u beddelo Obamacare – VIDEO

Published: March 25, 2017

Madaxweynaha Maraykanka ayaa fashilkii labaad la soo gudboonaadey 100-ka maalmood ee u horeeyey ee xukunkiisa, kadib markii Aqalka Kongeresska Maraykanku ku guuldaraystey habeenkii xalay in ay meel mariyaan hindise sharciyeed lagu beddalaayo kii uu ka tegey Madaxweynaihii hore ee loo yaqaan Affordable Care Act (Obamacare).

Hindisaha cusub ee uu ka soo shaqeeyey Nadaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Kongrresska Paul Ryan ayey ugu magacdareen American Health Care, waxaana uu noqdey mid ka socon waayey Xildhibaanada Dimoqraadiga iyo weliba qaar badan oo kamid ah Xisbiga Jamhuuriga.

Xildhibaanada Konserfatifka ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku tilmaamey sharcigan cusub in aanu waxba ka beddelneyn kii Obamacare, Xildhibaanada kale ee qunyarsocodka ah ayaa iyana u arkey in uu yahay mid khatar gelinaya nafta malaayiin qof oo Ameerikaan ah.

Nancy Pelosi ee hoggaamisa Xildhibaanada Dimoqraadiga ee Aqalka Konfresska looga tirada badan yahay ayaa ku tilmaantey guul taariikhi ah.

Donald Trump ayaa sheegay in uu eersadey Xildhibaanada Dimoqraadiga oo uu farta ku goday in iyaga ay ka socon weydey, sharcigaana aan la meel marin karin haddii aysan taageerin iyagu, waxaana uu sheegay in Obamacare uu yahay midka sii shaqeyn doona ee sharciga ah.

Obamacare oo ah nidaam caymis caafimaad lagu siinayo dadka aan awoodin in ay gataan caymiska, ayaa ah mid kamid ah dhaxalkii ugu weynaa ee uu ka tegey Barack Obama, waxaana Donald Trump horey wacad ugu marey in uu beddeli doono, inkasta oo shaqada u dhaxaysa Aqalka Cad iyo Capitol Hill ay tahay mid adag oo u baahan ololeyn xooggan.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *