Weftigii Ugu Ballaarnaa oo Midowga Afrika Ka Socda oo Kismaayo Booqday

Published: March 28, 2017

Wefti ballaaran oo ka kooban 24 xubnood oo ka socday guddiga amniga iyo Nababgelyada ee mudowga afrika ayaa booqday magaaladda Kismaayo, iyagoo ammaanay horumarka dhinaca amniga iyo deganaanshaha Jubbaland.

Waftiga wuxuu xarunta madaxtooyada ee Jubbaland uu la kulmay madaxwynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxay kaloo kormeer ku tageen mashaariic ay amisom ka fulisay magaaladda kismaayo.

Madaxwyne Axmed Madoobe ayaa weftiga uga warbixiyay horumarka ka socda gobolka iyo waxyaabaha mudnaanta u ah maamulkiisa, waxaa soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo xoraynta goboladda iyo degmooyinka weli gacanta ugu jira Kooxa al-shabaab oo uu sheegay in mudnaanta kowaad uu siinayo

” arrimaha muhiimka ee an waftiga ka wada hadalnay waxaa ka mid ah ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland iyo dadaalka aan kala go`a lahayd ee Amisom ugu jirta xasilinta dalka, waxaanu ku heshiinay wadajir looga qayb-qaato degaamada gacanta Al-shabaab iyo dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliiya” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, Waftigu waxay booqdeen Dugsiga Tababarka Ciidamadda qalabka sida kaasi oo dhisme ku socda, sidoo kalena waxay koormeer ku tageen dugsiga tababarka ciidanka Booliiska oo uu ka socda tababar la siinayo ciidamada cusub oo Booliis ah

Ambassador Ntshinga Ndumiso oo hoggaaminayay weftiga iyo amb Farncisco Caetano madera ayaa tilmaamay sida ay uga maqsuudeen Degaanshaha iyo amniga ka jira Jubbaland iyo sidoo kale mashaariica ka socda degaamadda Jubbaland, waxayna ballanqaadeen in la sii wadi doono taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka

” Halkan waxaanu u nimid qiimayn aanu ku samaynayno sidii gunta hoose looga soo bilaabi lahaa dib-u-dhiska Soomaaliya, taasi oo qof kasta u wanaagsan”Amb. Ndumiso noted.

Gabagabadii, Weftigan ka socda Midwga Afrika oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Ra;isul Wasaaraha xukuumadda, Wasiiradda Dowladda, madaxda maamul goboleedyada qaarkood, iyo Saraakiisha Amisom ee Muqdisho, waxay kaloo booqdeen Saldhigyada iyo xarumaha milateriga iyo Booliiska magaaladda Muqdisho.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *