Shirweynaha 28aad ee Dalalka Jaamacada Carabta oo Maanta Ka Furmaya Dalka Urdun

Published: March 29, 2017
Wasiirul Dowlaha Xafiiska ra’isul Wasaaraha Dalka Urdun Mamdouh Cabaadi oo soo dhawaynaya Madaxweyne Farmaajo

Shirweynaha 28aad ee dalalka jaamacadda carabta ayaa ka furmaya deegaanka Baxru meyt ee duleedka caasimadda Cammaan, waxaana ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay halkaasi gaaray.

Shirkasi oo ay soo qaban-qaabiyeen madaxda dalka Urdun,ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Baxru Meyt oo 25-kiilo mitir koonfur galbeed kaga began magaalada Caasimadda ah ee cammaan, iyadoo lafaguri doono ajende ay soo diyaariyeen wasiirada arrimaha dibadda ee carabta oo xoog saarayaa dhibaatooyinka haysta falastiiniyiinta, dhulbalaarsiga yuhuuda, dagaalka Siiriya iyo dagaalka lagu jiro kooxda Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo xalay gaaray caasimadda Urdun ee Cumaan, waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Wasiirul Dowlaha Xafiiska ra’isul Wasaaraha Dalka Urdun Mamdouh Cabaadi
Wuxuu shirweynaha ka jeedin doono khudbad ku saabsan arimaha Soomaaliya,gar ahaan sidii wax loogu qaban lahaa dowladda cusub ee xilligaan laga filayo soo celinta ammaanka dalka,gacansiinta dadka barakacayaasha ah ,dib u dhisidda ciidamada dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Gabagabadii, Shirweynahan waxaa ka qaybgalaya Boqorka urudun Cabdullaahi Xasan, oo marti loo yahya, boqorka Sucuudiga Salman Cabdicasiis, madaxweynaha Yemen Cabdirabi mansuur, Madaxweynaha Masar Cabdifatax Sisi, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweyne k/xigeenka Imaraadka Sheikh Maxamed Bin Rashiid , Ra’isul Wasaaraha Ciraaqa Xaydar Al-cabaadi , Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashii iyo madax kale oo Carab.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *