Israel oo ku dhawaaqday dhul boob horleh – VIDEO

Published: March 31, 2017

Xukuumada Benjamin Netanyahu ee Israel ayaa ku dhawaaqday dhismaha guryaho cusub oo Yuhuuda looga dhisayo dhulka laga booba reer Falastiin.

Mashruucan cusub ay doonayaan Isra`iiliyiinta ay kula wareegaan dhul baaxadleh oo ku yaal Daanta Galbeed ee wabiga urdun ee dhulka Falastiin.

Falkan oo ay cambaareeyeen dalal badan ayey Israel kusoo beegtay xili uu saameyn ku yeeshay ololaha ka socda dalalka reer Galbeedka oo ay wadaan kooxda la baxday BDS oo dooneysa in cunaqabateyn la saaro Israel iyo gaboodfalada ay la beegsato shacabka Falastiin.

Israel ayaa todobaadkan sheegtay inay joojisay qeyb kamid ah Deeqdii ay siin jirtay Qaramada Midoobay oo gaareysa 2 milyan oo dollar, waxayna u eedeeyeen Qaramada Midoobay inay isu bedashay xarun lagula dagaalamo Israel. Maaha markii ugu horeysay oo Israel sheegto inay dhaqaalihii UN-ta siinjirtay ay jarto, horey ayey u joojisay 6 milyan oo kamid ah 12ka milyan oo ay horey usii jirtay hawlaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *