South Korea: Madaxweynihii hore Mrs.Park oo xabsiga la dhigay – VIDEO

Published: March 31, 2017

Madaxweynihii hore Mrs.Park ayaa xabsiga la dhigay kadib markii maxkamada dalkaasi ogolaatay xarigeeda inta uu socdo baaritaanka dacwado lagu soo oogay oo gaaraya illaa 13 dacwad oo kala gedisan oo la xariira ku takrifal awooda Madaxweynaha iyo Musuq Maasuq.

Xeer illaalinta dalkaasi ayaa todobaadkan ka codsatay Maxkamada inay ogolaato in Madaxweynihii hore in xabsiga la dhigo, waxayna maxkamada maalmihii lasoo dhaafay su`aalo weydiisay Mrs.Park oo ay xilka ka xayuubisay Maxkamada Sare kadib eedeynta musuq maasuqa ee loo heysto.

Maxkamada ayaa ogolaatay in Madaxweynihii hore xabsiga la dhigo muddo 20 maalmood ah inta ay socoto baaritaanka dacwada lagu soo oogay.

Park Geun-hye ayaa lagu eedeeyey inay shirkado ay xiriir laleedahay sida shirkada Samsung ay u sameysay canshuur dhaaf iyo mashaariic si musuq maasuq ah loo siiyey ganacsato ay xiriir dhaw laleedahay.

Mrs.Park waxay ahayd haweeneydii u horeysey ee Madaxweyne ka noqota Kuuriyada Koonfureed ayaa noqotey Hoggaamiyihii u horeeyey ee la soo doortey ee xilka laga cayriyo.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *