Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Golayaasha dowlada Puntland

Published: January 8, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir ah uga qayb galay kulan wadatashi ah oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, golayaashaPuntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka oo xalay ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntlandee Garowe ayaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka. Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo sidii deeqaha beesha caalamka bixiso si cadaalad ah loogu qaybsan lahaa.

Waxaa kulankan lagu falanqeeyay sidii maxkamadaha iyo hay`adaha cadaalada ee dowladda federaalka & maamul goboleedyadu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha dadka Soomaaliyeed ay ku xajiyaan oo afar labaad ka badan qiimaha ay bixiyaan shucuubta wadamada deriska ah. Qodobada laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib loogu howlgalin lahaa shirkadii diyaaradaha Somaliariline.

Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *