Malaysia: Mahathir oo markale u tartamaya xilka Raysalwasaaraha

Published: January 8, 2018

Xisbiyada Isbaheysiga Mucaaridka dalka Malaysia ayaa Axadii shalay u doortay Mahathir Mohamed inuu markale u tartamo xilka Raysalwasaaraha, Mahathir ayaa ahaa Raysalwasaarihii ugu wakhtiga dheeraa taariikhda dalkaasi isagoona wadankaasi kasoo talinayey 1981 illaa 2003.

Mahathir Mohamed oo hada ah 92 sano jir ayaa 15 sano kahor sheegay inuu siyaasada isaga baxay, waxayna murashaxnimadiisa khatar ku tahay Raysalwasaaraha xilka haya Najib Razak.

Isbaheysiga cusub ee Mucaaridka ayaa waxaa kamid ah xisbiga uu hogaamin jiray siyaasiga xabsiga ku jira ee Anwar Ibrahim oo uu loolan ka dhaxeeyey Mahathir Mohamed, kuwaasi oo hada sheegay inay ku heshiiyeen inay sameystaan isbaheysiga ay kula tartamaan xisbi Xaakimka uu hogaamiyo Najib Razak oo xiligan ay heysato fadeexad dhanka musuq maasuqa ah.

Hogaamiyaha Mahathir ayaa raali gelin siiyey siyaasiga Anwar Ibrahim oo ay xukuumadiisa xirtay, wuxuuna sheegay Mahathir inuu ka raali gelinayo qoyska Anwar Ibrahim cadaadiskii ay kala kulmeen xukuumadiisa.

Dr. Wan Azizah binti Wan Ismail oo ah Xaaska Anwar Ibrahim, ayaa tartanka ku wehlin doonta Mahathir iyadoo u sharaxan inay noqoto Raysalwasaare kuxigeenka isbaheysigan cusub ee mucaaridka Malaysia oo la baxay “…Isbaheysiga Rajo…” [Pact of Hope].

Heshiiska dhexmaray xisbiyada mucaaridka ayaa qoraya in marka ay doorashada ku guuleystaan uu Mahathir Mohamed uu cafis u fidiyo si xabsiga looga sii daayo Siyaasi Anwar Ibrahim oo la filayo inuu noqon doono hogaamiyaha mustaqbalka ee isbaheysigaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *