Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeer ku tagey Kulyadda Tababarka Ciidanka ee Carmo-Sawiro

Published: January 11, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagey xarunta tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku taalo magaaladda Carmo.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Dusgiga tababarka ku sugan, waxaana uu ka xog wareystay sida ay u socdaan howlaha dugsigaasi, isagoo ku dhiiri geliyey in ay sii laba jibaaraan shaqada adag ee Qaranka ay u hayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira booqashadiisa uu ku marayo deegaano badan ee loogu magacdaray socdaalka nabadda ayaa Safar dhulka ah ku tagay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wafdiga Maxweynaaha aya waxaa looga hor tagay kantaroolka laga soo galo magaalada Bosaso, isla markana Madaxweyanah Soomaaliya ayaa u gacan qaaday dhammaan dadkii soo dhaweenayey

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *