Madaxweynaha Soomaaliya oo dhagax-dhigay wado isku xiraysa magaalooyinka Kala Bayr iyo Caluula-Sawiro

Published: January 11, 2018

Madaxwaynaha dawladda federaalka ah ee Soomaliya iyo Madaxwaynaha Puntland ayaa waxay degaanka Kala-Bayr ka dhagax-dhigeen wado isku xiri doonta magaalooyinka Kala Bayr iyo Caluula .

Wadada isku xiri doonta Kala-Bayr iyo Caluula ayaa lagu dhisi doona qaab isku tashi ah oo ay ka qeyb qaadanayaan bulshada qeybaheeda kale duwan ee ka soo jeeda gobolada Bari iyo Gardafuu

Degmada Caluula oo ah degmo qadiimi ah ayaa wax tayac tir ah aan helin tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee dalka, waxayna ka mid tahay degmooyinka gaari waaga ah ee Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ka dowladda ahaan ka qeyb qaadan doonaan dhismaha wadadaasi

Cumar Csimaan Saciid oo ah gudoomiyaha dhismaha wadada Kala-Bayr iyo Caluula ayaa sheegay in wadadaasi ay hoos yimaadaan 11 degmo, bulshada ku noolna dhibaada ay qaaban ka saari doonto

Dhammaan shacabka ku nool degmada Caluula ayaa baahiyo badan qaba oo ah xagga adeegyada asaasiga ah,balse haddi la hir geliyo dhismaha wadaasi waxay meesha ka saaraysaa baahiyo badan ay qabeen bulshada Gardafuu

 

 

Horseed Media 2018