Qardho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhagax-dhigay xarunta dhaqanka Soomaaliyeed.

Published: January 11, 2018

Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo habeenkii xalay ku hoyday magaalada Qardho ayaa si rasmi ah u dhagax dhigey xarunta dhaqanka Soomaaliya taas oo laga dhisaayo magaalada Qardho .

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha Jamhuuiryadda ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo marti geliyey wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa bixiyey dhulka laga dhisaayo xarunta dhaqanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdbweli Cali Gaas oo ka hadley munaasabadi dhagax-dhigga ayaa sheegay in magaalada Qardho ay tahay xarun ku caan ah dhaqanka Soomaaliya, sidaas darteedna loo doortey in laga dhiso xarun lagu keydiyo oo laga heli karo dhamaan dhaqanka Soomaaliya.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqashada uu ku yimid Puntland, sidoo kale waxa u uga mahad celiyey in uu si rasmi ah u dhagax dhigey xarunta dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo maalintii Arbacada soo gaarey Qardho ayaa munaasabadii dhagax-dhigga ka sheegay in tani tahay dhagax-dhigii labaad ee uu sameeyey kadib kii Jaamacadda Ummada, wuxuu ballan qaadey in Dowaldiisu ay xil iska saari doonto taabo-gelinta iyo dhismaha xarunta dhaqanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Boqor Burhaan ku amaaney sida uu xilka isaga saaro ilaalinta dhaqanka iyo qiyamka ummadda Soomaaliyeed.

Kadib markii Madaxweynaha Jamhuuiryaddu uu dhagax-dhigey xarunta dhaqanka ayuu safar ugu baxa magaalada Bosaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *