Wasaaradda Deegaanka oo Biyo-xireen cusub ka dhagax-dhigtay Togga Hodaal ee degmada Garowe

Published: January 11, 2018

Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa biyo xireen ka dhagax-dhigtay togga Hoodaal oo kuyaala duleedka magaalada Garowe ee caasimada Puntland, Biyo xireenkan ayaa kamid ah qorshaha wasaarada Deegaanku ay ugu jirto la tacaalida saameynta isbedelka cimilada oo ay ka mid tahay Biyo-yaridu.

Waxaa dhagax dhiga biyo xireenka cusub ka qaybgalay madax ka socotay wasaarada Deegaanka iyo maamulka gobolka Nugaal.

Agaasimaha waaxda la tacaalida isbedelka cimilada ee wasaarada Deegaanka Maxamed Ciise Maxamed oo ka hadlay dhagax dhiga biyo xireenkan cusub ayaa sheegey in biyo xireenkan la rajanayo inuu halkii marba qabto in kabadan 15Milyan oo Litir oo biyo ah kuwaas oo awal khasaari jiray.

Maxamed Ciise dhanka kale wuxuu sheegey in biyo Xireenkan ay ka faa`iidaysan doonaan dadka ku dhaqan dhulka miyiga ah, barkacayaasha ka dhow deegaanka iyo dadka magaalada Garoowe iyadoo loo samayn doono qaab wanaagsan oo biyaha lagu maamuli doono.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad ayaa si weyn usoo dhaweeyey in wasaarada deegaanku ay Biyo-xireenkii Sadexaad ka dhisayso gobolkaNugaalwaxaana ay sheegeen inay ilaashan doonaan Biyo Xireenka islamarkaasna ay rajaynayaan inay si wayn uga faa`iidaystaan

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa sheegey in biyo xireenkan si degdeg ah dhismihiisa loo bilaabi doono waxaana uu sheegey in dhismaha biyo xireenkani uu wax ka badali doono nolosha dadka, xoolaha iyo Duur-joogtaba waxaana uu dadweynaha deegaanka kula dar-daarmay inay ka fogaadaan waxkasta oo waxyeeli kara dhismaha biyo xireenkan, Agaasimaha wasaarada Deegaanku dhanka kale wuxuu sheegey in wasaarada deegaanku ay sii laba jibaari doonto qorshaha ay ka leedahay in bulshada biyaha loo qabto si looga boxo biyo yarida iyo oonka.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *