Dagaalo u dhexeeya ciidamada dowaldda iyo al-Shabaab oo ka dhacay Shabeelada Dhexe

Published: January 15, 2018

Koox ka tirsan al-Shabaab ayaa tuulooyinka u dhexeeya degmada Balcad iyo Shabeelada Dhexe dagaalo kula galay ciidamo ka tirsan kuwa dowaldda federaalka Soomaaliya. Wararka soo gaaray Horseed Media ayaa sheegaya in dagaaladu ka dhaceen tuulada Ceelka Geelow waxaana uu geystey khasaare kala duwan.

Maalintii shalay ayey ahayd markii dagaalyahanno ka tirsan ururka al_Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen isla goobaha dagaaladu ka dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa deegaankaas.

Malayshiyaadka ururka al-Shabaab ayaa qabsade deegaankaas inkasta oo wararku sheegayaan in subaxnimadii maanta ay ka baxeen.

Tirada dhimashada ayaa wararku sheegayaan in ay gaareysi shan qof waxaana ku dhaawacmey qaar kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *