Boosaaso oo ay ka go’an yihiin khadadka teleefanada iyo Internetku

Published: January 16, 2018

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa ka taagan dhibaato xiriirka ah, kadib markii la jarey xargihgii xanbaarsanaa xaraarada telefoonada guryaha, xafiisyada iyo weliba Internetka ee shirkadda Golis. Xargaha la jaray ayaa saameyn ku yeeshay qaybo badan oo kamid ah macaamiisha shirkadda Golis.

Shirkadda Golis Telecom ayaa maalintii shalay sheegtay in Wakaalada Xoogga Korontada ee Ummadda ee loo yaqaan ENEE si ula kac ah (deliberately) ay u jartey xargihii telefoonada iyo Internetka, waxaana ay sheegtey in macaamisha dhibaatadu soo gaartey ay ka raali gelineyso si deg-deg ahna ay ugu adeegi doonto.

Masuul ka tirsan shirkadda Golis Telecom ayaa Horseed u sheegay in dhaqaalaha ay ka burburisey Wakaalada ENEE ay kor u dhaafeyso boqolaal kun oo Dollar ka Maraykanka ah, taas oo ay dheertahay curyaamin ku timid ganacsigii magaalada.

Fiilooyinka dhulka la dhigey ayaa sanado badan ka hor la mariyey baalayaasha shubka ah ee xanbaara fiilooyinka korontada ee shirkadda ENEE, waxaana masuul ka tirsan shirkadda Golis sheegay in aysan iska saarsan markii horeba ee uu jirey heshiis iyo oggolaansho.

Agaasimaha Wakaaladda Xoogga Korontada Ummadda Maxamed Abshir Muuse oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in shirkadda Golis ay khatar ku tahay baalaayaasha shubka ah ee xanbaara fiilooyinka korontada, kuwaas oo ay hoos dhigeen fiilooyin aad u badan iyo layman khaldan oo halis ku ah hannaanka xargaha korontada, ENEE ayaa sheegtey in baalayaasha korontada loogu tala galay in ay xanbaaraan keliya fiilooyinka Korontada.

War saxaafadeedka ka soo baxay ENEE laguma diidin eedaynta Golis u jeedisey ee ah in ay si ula kac ah u jareen xargaha xanbaara khadadka telefoonada iyo isgaarsiinta.

Magaalada Boosaaso oo dhacda xeebta badda cas ayaa baahida loo qabo adeega Korontadu yahay mid aad u sareeya.

Waxaa jira tartan u dhexeeya ENEE iyo Golis oo salka ku haya bixinta adeega Korontada oo labadooduba bixiyaan, waxaana la isweydiinayaa in jaritaanka xargaha telefoonadu uu salka ku hayo tartanka bixinta adeega korontada.

Qaar kamid ah shacabka Boosaaso ayaa sheegaya in ay meesha ka maqan tahay kaalintii maamulka Puntland, kan gobolka iyo weliba kan degmada ee xalinta muranka caynkan oo kale ah ka hor inta aan la burburin hantida ama murankaani aanu faraha ka bixin.

Shirkadda Golis ayaa la saasey sanadkii 1999, markaas oo loogu yeeri jirey Barakaat Red Sea, waa shirkad ay saamigeeda ugu badan iska lee yihiin reer Puntland, waxaana ay si xoogleh u maalgashadeen dalka iyaga oo dadka ka haqabtiray dhamaan adeegyada lagu xiriiro. Shirkadda Golis ayaa dhawaan furtey adeega Fiber Optical ee internetka xawaarihiisu sareeyo, kaas oo la soo mariyey badda, waxaana ku baxay malaayin Dollar.

Wakaladda Xoogga Korontada Ummadda ayaa ah hay’ad Dowli ah, magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa laga hirgeliyey intii u dhexeysey 1987-1989, waxayna ka mid tahay dhaxalka faro ku tiriska ah ee goboladan ay ka heleen Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, taas oo laga ilaaliyey in ay burburto kadib qaranjabkii Soomaaliya, waxaana si weyn loogu amaanaa guushaas Inj. Abshir Muuse Siciid, Agaasimihii hore ee WXKU ee Soomaaliya.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *