Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Guriceel

Published: January 19, 2018

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guriceel, iyadoo safar dhulka ah kaga soo amba baxay magaalada Dhuusamareeb.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah safarada uu maalmihii la soo dhaafay ku marayey qeybo ka mid ah gobolada.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay bulshada qeybaheeda kale duwan iyo mas`uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu kulmo qeybaha kale duwan ee bulshada, waxaana la filayaa inuu socdaalkiisa ku soo gaba-gabeeyo magaalada Caabudwaaq.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *