Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Bari oo Bam gacmeed lagu tuuray

Published: January 21, 2018

Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada wadooyinka Bosaso ayaa habeen xalay ahayd lagu weeraray bamka nooca gacanta laga tuuro, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Askeri ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada wadooyinka ayaa ku dhintay qaraxa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamad Faarax oo ku magac dheeraa Faltos iyadoo uu ku dhawacmay askeri kale.

Dhawaaca askeriga oo la sheegay in uu yahay mid culus ayaa la geeyey isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso si xaaladiisa caafimaad lagula tacaalo.

Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Bari ayaa ku taala meel aan sidaa uga fogeyn Dekadda weyn ee magaalaada Bosaso. Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay qaraxaasi ka dhacay magaalada Bosaso.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *