Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu laabtay Magaalada Cadaado

Published: January 23, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markale gaaray Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado, waxaana magalaada ku soo dhaweeey Mas`uuliyiin ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, siyaasiin, waxgarad iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulmi doona waxgaradka iyo odayaash Magaalada Cadaado, iyadoo sida al sheegay uu kala hadli doono xalinta tabashada ay ka qabaan heshiiskii Ahlsunna iyo Galmudug ku gaareen magaalaada Dhuusamareeb.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheynayaa in uu u amba baxo Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, waxaana qaban-qaabo xoog leh ay ka socotaa Hobyo oo shacabka ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha, iyadoo Amaanka Magaalada Hobyo ayaa si weyn loo adkeeyay.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *