YEMEN: Maleeshiyaadka Koonfurta oo la wareegay inta badan magaalada Cadan

Published: January 31, 2018

Maleeshiyaadka Koonfurta Yemen ee la baxay Southern Resistance Forces (SRF) ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay saldhigii ugu muhiimsanaa ee militariga oo ku yaal magaalada Cadan oo hada ah xarunta Kumeel Gaarka ah ee dowlada Yemen.

Dagaaladii shalay ayaa ahaa kuwo kusoo beegmay xili Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Cabdulrabi Mansuur Hadi iyo maleeshiyaadka ay horey xulafada u ahaayeen ee kasoo jeeda koonfurta Yemen.

Xoogaga Koonfurta oo iyagu taageero ka helaya dowlada Imaaraatiga ayaa todobaadkii hore maalmo u qabtay Madaxweyne Hadi inuu xilka ka qaado Raysalwasaarihiisa iyo Golaha Wasiirada oo ay ku eedeeyeen musuq maasuq, iyagoo sheegay in Xukuumadaasi aysan matelin rabitaanka shacabka koonfurta ku dhaqan gaar ahaan magaalada Cadan oo hada fariisin u ah dowlada.

Iskahorimaadka ayaa bilowday kadib markii Madaxweyne Hadi oo ku sugan dalka Sacuudiga uu ku gacanseeray codsiga xulafadiisa koonfurta.

Xoogaga Koonfurta ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay Saldhiga Militari ee Guutada 4aad oo ku yaal degmada Dar Saad ee magaalada Cadan, xubno ka tirsan Dowlada Yemen ayaa ku eedeeyey Imaaraatiga inuu gacan siiyey maleeshiyaadka xeradaasi qabsaday.

Diyaarad dagaal oo ay leedahay dowlada imaaraatiga ayaa la sheegay inay duqeysay saldhiga ciidamada dowlada kahor inta aysan halkaasi la wareegin maleeshiyaadka u dagaalamaya gooni isu taaga koonfurta Yemen.

Inta badan magaalada Cadan ayaa hada ku jirta gacanta Xoogaga koonfurta oo iyagu ku hareeraysan Qasriga Madaxtooyada Cadan oo ay hada ku sugan yihiin Raysalwasaaraha iyo tiro kamid ah Wasiiradiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *