Madaxweynaha Puntland oo guddi Wasiiro ah u magacaabay khatarta kaalimaha shidaalka

Published: February 1, 2018

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amnig, sidii wax looga qaban lahaa khatarta kaalimaha shidaalka ee magaalooyinka waaweyn iyo xeerka shaqada iyo shaqaalaha.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa kulanka intiisa badan kaga hadlay Amniga, difaaca dhulka Puntladiyo iyo sidii kooxaha Shabaab iyo Daacish looga sifeyn lahaa deegaanada Puntland. Golaha Wasiirada Puntland ayaa shirka ku caddeeyey in ay tahay muqadas Amniga iyo difaacidda dhulka Puntland, isla markaana laamaha amniga ay si joogta ah uga hortagaan dhammaan khataraha dalka soo wajaha.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirada Puntland ayey kaga hadleen khatarta kaalimaha shidaalka, waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen dhimashadii iyo dhaawacii uu sababay dabkii ka qarxay kaalintii shidaalka ee Garowe, waxayna Goluhu sheegeen in ay horey Puntland uga soo saartay go`aano ku saabsan ka hortaga khataraha kaalimaha shidaalka oo ku soo badanayey magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha Puntlad Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ku tilmaamay arintan dhacdo xanuun badan oo shacabka Puntland soo martay ayna waajib tahay in si dhab ah looga hortago kharatarta, wuxuuna Madaxweynaha magacaabay guddiga Wasiiro ah oo si deg-deg ah uga howlo gala wax ka qabashada kharataha kaalimaha shidaalka iyo u gurmadka dadkii wax yeelada ka soo gaartay dabka ka kacay kaalinta shidaalka.

Guddiga Wasiirada uu ku dhawaaqay Madaxweyanha ayaa kala ah Wasiirka Amniga, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha , Wasiirka caafimaadka iyo Wasiirka ganacsiga.

Ugu dambeen Golaha Wasiirada Puntladn ayaa ka dooday Xeerka shaqada iyo shaqaalaha, iyadoo dood dheer kadib ay dib ugu dhigeen Golaha Wasiirada maalinta Khamiista ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *