Nin Hubeysan oo rasaas ku furay ku dhaawacay dhalinyaro ka soo jeeda Afrika

Published: February 4, 2018

Nin hubeysan ayaa dhaawacay lix qof oo ka soo jeeda qaarada Afrika kuwaas oo qaxooti ku ahaa dalka Talyaaniga. Toogashada ayaa ka dhacdey magaalada Macerate ee bartamaha dalka Talyaaniga.

Booliska ayaa gacanta ku dhigey ninkii beegsadey dadka ajaanibta ah ee rasaasta ku furay, waxaana uu noqdey 28 jir caddaan ah oo u dhashey dalka talyaaniga.

Ninka weerarka geystey

Muuqaal la dhigey baraha bulshada ayaa muujinaya ninka weerarka geystey oo calanka Talyaaniga uu qoorta ugu duuban markii la qabanaayey, waxaana uu sameeyey Salaanta cunsuriyiinta ama fashiistaha.

Toogashada ayaa dhacdey subaxnimadii Sabtida, waxaana uu beegsadey laba kooxood oo dhalinyaro ajaanib ah sida Boolisku sheegay.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in uu salka ku hayo ajaanib nacayb ama cunsurinimo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *