Sudanta Koonfureed: Boqolaal Caruur Askar ahaa oo xoriyadooda lasiiyey!

Published: February 8, 2018

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay 311 caruur askar u ahayd kooxaha ku dagaalamaya Sudaanta Koonfureed oo Arbacadii shalay xoriyadooda dib loo soo celiyey.

Caruurtan ayaa la sheegay in ay ku jiraan 87 gabdho ah, hawshan ayey muddo ka shaqeenayeen hawlwadeenada xafiiska UN-ka u qaabilsan dalkaasi oo loo yaqaan UNMISS.

Wadankaasi oo xoriyada helay sanadkii 2011 ayaa tan iyo xiligaasi ku jiray dagaal sokeeye oo u dhaxeeya Xukuumada Madaxweyne Salfakiir iyo Mucaaridka uu hogaamiyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar.

Labada dhinac ayaa boqolaal caruur ah hubka u dhiibay si ay uga qeyb qaataan dagaalada, waana markii ugu horeysay dalkaasi oo lagu guuleysto in hubka laga dhigo tiro intaan la eg caruur askar ahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *