Dowladda Soomaaliya oo Sharci Cusub ka soo saartay Sumadda Gaadiidka

Published: February 18, 2018

Mudane Maxamad Cabdullaahi Salaad Oomaa Wasiirka Gaadiidka, Cirka iyo dhulka ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray sharci cusub oo ku saabsan sumadda Gaadiidka noocyadiisa kale duwan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sameeyeen taarigooyin cusub oo ganacsi ah, kaasi oo loogu tala galay gaadiidka dibadda laga keeno ee la geeyo garaashka ka hor inta aan la iibsan, isla markaana marka la iibsado la siinayo taargooyin cusub oo rasmi ah

Wasiirka ayaa sdioo kale sheegay in sharcigan uu yahay mid cusub iyo mid laga soo qaatay xeerarkii hore oo la is waafajin doono….Inta badan gaadiidka la iska iibiyo ayaa la marin hab sharci ah, iyadoo ay dhacdo in hal gaari ay dhowr qof isku marto, isla markaana wata halkii taargo ee markii hore lagu soo iibsaday ayuu yiri wasiirka .

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan cusub uu ku jiro qodobo caddeynaya qofka iska iibinaya gaadiidka uu taargada dib u soo celiyo, si looga hortago in gaariga uu iska iibiyay loo adeegsado falal amni daro ah, isla markaana loogu qabsan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *