Taliyaasha Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta oo la magacaabay -Dhegayso

Published: February 19, 2018

Shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabey taliyaasha hoggaaminaaya ciidanka Booliska, Nabadusgidda iyo Taliyaha ciidanka asluubta

Cabdullaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa saxaafadda u akhriyey taliyaasha la magacaabay:

1- Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Jen.Bashiir Cabdi Maxamed oo horey u ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Booliska.

2- Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen oo horey u ahaa Wssiir ku xigeenka Caafimaadka.

3- Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Asluubta oo marar kala duwan so qabtey.

Taliyaashii hore ee ciidanka Booliska iyo Nabadsugidda ayaa xilka laga qaadey sanadkii hore 2017 dhamaadkiisi.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha Mr Xaamud ayaa sheegay in 25 wasiir ee fadhidey shirka ay isku raaceen magacaabista Taliyaasha.

Maalmihii u danbeeyey waxaa qaar kamid ah arbaahintu qoreysey inuu jiro muran ka taagan magacaabistan kaas oo u dhexeeya Madaxda dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *