Timir dhacday oo lagu qabtey magaalada Garoowe, kadibna lagu gubay

Published: February 20, 2018

Ciidamnka Booliska gobolka Nugaal ayaa qabtey gar sidey raashin dhacay ama wakhtigii loogu tala galay dhaafey.

Raashinka dhacay ayaa ka yimid magaalada dekadda leh ee Boosaaso. Raashinka ayaa ka koobnaa 50 kartoon oo timir ah oo wakhtigeedi la dhaafey ama dhacday. Gaarigan ayaa safarkiisu ku wajahnaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Timirtii dhacdey ayaa lagu dejiyey magaalada Garoowe halkaas oo lagu gubey.

Munaasabadii lagu gubey waxaa ka hadley maamulka gobolka nugaal iyo degmada.

Ciidanka amniga ayaa sheegay in gaarigan lagu daba joogey, si khaldana uu Boosaaso uga soo baxay

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *