Guddoomiyaha Gobolka oo kulan wadatashi ah la qaatay Culumada-Sawiro

Published: February 22, 2018

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan wadatashi ah la qaatay culumada ayaa ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo hirgelnta caddaaladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay asaas u yihiin di- u-hagaajinta hannaanka caddaaladda iyo garsoorka, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

“Culumada Soomaaliyeed waa indhaha bulshadeenna, waxa ay hormuud ka yihiin tallaabo kasta oo gobolku u qaadayo dhanka horumarka, cadaaladda iyo amniga. Maamulka gobolka Benaadir waxaa ka go`an kamira dhalinta dadaallada culimada iyo sidii loo joogteyn lahaa ka talagelintooda ku aaddan qorsheyaasha lagu horumarinayo bulshada Benaadir”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kadib is xog-wareeysi ku saabsan qorsheyaasha la xiriira wacyi gelinta dhallinyarada iyo la dagallanka fikirka xag-jirnimada ah, Guddoomiye Yarisow waxa uu ka dhageystay culumada uu la kulmay tallooyin ay soo jeediyeen oo la xiriira kor u qaadista wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Culumada.

Gaba-gabadii kulankan waxay culumado muujiyeen dareenkooda ku aaddan kulanka ay la qaateen hoggaanka maamulka Gobolka iyagoona Alle uga baryey in ay ku guuleystaan shaqooyinka adage ee loo igmaday.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *