Axmed Xasan Colaad weriyihii VOA Somali Oo Muqdisho ku geeriyooday

Published: February 24, 2018

Rabbi ha u anxariistee waxaa habeenkii xalay ku geeriyoodey Muqdisho Axmed Xassan Colaadoo ahaa weriye muddo dheer u shaqeynaayey Idaacadda Codka Maraykanka laanteeda Afsoomaaliga.

Sida ay sheegtey Idaacadda VOA Waxaa Axmed Xasan ku soo boodey xanuun degdeg ah, shaqada ugu danbeysey ayaa ahayd barnaamijkii shalay baxay ee Faaqidaada Jimacaha oo uu soo diyaariyey, isaga oo xanuun madaxa ka sheeganaayey maalintii Khamiista.

Axmed Xassan Colaad rabbi ha u naxariistee ayaa ku geeriyoodey isbitaal Kulmiye ee horey loogu aqoon jirey isbitaal Jarmal oo isla habeenkii xalay la geeyey.

Dhamaan Shaqaalaha Horseed Media waxay racsi u dirayaan qoyskii uu ka abxay amrxuumku, saaxiibadiis iyo bahda saxaafadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *