Faah-faahin ku saabsan weeraradii habeenkii Sabtida ka dhacay Muqdisho

Published: February 24, 2018

Ciidamada amaanka ee Dowladda federaalka ayaa soo afjarey weerar qorsheysan oo koox ka tirsan al-Shabaab ay soo qaadeen. Weerarka ayey u adeegsadeen markii hore qaraxyo waaweyn. Qaraxa kowaad ayaa ka dhacay meel gawaarida la dhigo ee Hotel Dorbin (ex Bar Fiat). Qaraxa labaad ayaa ka dhashey gaari bom lagu soo xiray ayaa isku dayey in uu xoog ku jiiro meel gawaarida lagu istaajiyo oo ku taala isgoyska Sayidka. Gaarigan oo aan la sheegin noociisa ayaa ku qarxay agagaarka taalada dhagaxtuur, kadib markii ciidamada amaanku u suurta gashey in ay taayirada xabbad kala dhacaan.

Qaraxa hore ee ka dhacay Ex Bar Fiat ayaa la sheegayaa in dad badan oo shacab ah ku geeriyoodeen kuwaas oo maalinimada Jimacada dib uga so noqdey xeebta Liido. Wararku waxay sheegayaan isku dar wadarta guud ee dhimashadu in ay ku dhawdahay 30 qof, Shirkadda Aamin Ambulanse ayaa sheegtey in 21 qof meydadkooda ay ururiyeen.

Qaraxyada kadib ayaa koox la sheegay in ay ahaayeen dhawr nin oo la socdey gaariga ka gudbey Isgoyska Sayidka ayaa weerar toos ah ku qaadey ciidanka ilaalada, waxaana ay isku dayeen in ay xarunta Madaxtooyada ka weeraraan dhanka albaabka SYL. Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Maxamed Abuukar Islow ayaa xaqiijiyey in dhamaantood la diley waxaana la soo bandhigey meydadkooda. Wasiirka Amniga gudaha ayaa sheegay in ay maalinta sabtida ah faahfaahin dheeraad ah ka bixinayaan khasaaraha ka dhashey weerarka.

Kooxda meydkooda la soo bandhigay ayaa xirnaa dharkii u danbeeyey ee ciidamada Boolisku xirtaan.

Dhanka kale ciidamada amanka ee Dowladda iyo AMISOM ayaa rasaas xooggan isku dhaafsadey Km4, lama sheegin sababta rasaasta keentay inkasta oo kooxda werarka sooq aadey ay isu ekeysiyeen ciidanka Booliska.

Waa weerarkii u horeeyey ee muddo dhawr bilood ah kadib ka dhaca magaalada Muqdisho kaas oo fashil ku dhamaadey, waxaana uu ku soo beegmayaa xili Raysalwasaare ku-xigeenka Turkiga iyo wefdi uu hoggaaminaayo ay Muqdisho weli ku sugan yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *