Wasaarada Maaliyada Soomaaliya oo sheegtay inay saamayn ku yeelatay cashuurtii la diiday

Published: February 28, 2018

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuuraadta xaqa loogu leeyahay, si ay dowladdu u shaqeyso kadib shir jaraa`id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay Wasiir Beyle in muranka ka taagan canshuuraha uu saameeyey dakhligii wasaaradda Maaliyadda ee bishan.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale sheegay in wada hadal u socdo Ganacsatada kale sida Bankiyada iyo Shirkadaha Xawaladaha, isla markaana ay isla garan doonaan inay canshuurta Iibka inay bixiyaan.

….Hadii aan canshuurta la bixineyn dalka waa lagu kala tagayaa, qof walba waxaa loo baahan yahay in canshuurta uu bixiyo ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Weli waxa uu muran xoogan uu ka dhexeeyaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Wasaaradda Maaaliyadda Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *