Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ka fuliyey duleedka Muqdisho

Published: August 3, 2018

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in ay 2-dii bishan 4 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” ku dileen meel 74 KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu qoraalka intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay. inkastoo Al-Shabaab ay sheegtay in dadka lagu laayay weerarka ay ahaayeen dad shacab ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ahaa mid dhinaca cirka ah.

Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo ay qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliya dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab dhinkeeda wararka ka soo baxay ayaa sheegaya in afarta qof ee weerarka lagu diley ay ahaayeen dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca raaxada ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *