Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Dacwadaha loo haysto Wasiir ku xigeenka

Published: August 4, 2018

Dr. Axmed Cali Daahir oo shir Jaraa`id ku qabtay Magaalada Muqdisho isagoo uu dhinac taagan yahay Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in maxkamadda awood u leh loo gudbin doonno kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo hay`adaha fulinta sharcigu ay baaritaano ku wadaan hadda.

Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in dacwado loo heysto Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa`uud oo ciidamo saaka xafiiskiisa ay ugu tageen.

Waxa uu intaasi ku daray Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir inay baaris dheer kadib ay soo baxday fal danbiyeedyo lagu helay Wasiirka

Xafiiska Hanti-Dhowrka ayuu sheegay inuu baaritaano ku hayay Wasiir ku xigeenka arimaha dibbada Soomaliya mudo kusiman 4 Bilood.
Waxyaabah lag eedeeyey wasiirka waxaa ka mid ah

Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne,

Ku Xadguduba awood Xafiiseed,

Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis

Ku xad gudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *