Duulimaadyada Garowe iyo Addis Ababa oo si toos ah loo bilaaway-Sawiro

Published: August 10, 2018

Markii dowladda Puntland ay kor u qaaday kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, gaar ahaan dhinaca garoomada ayaa waxaa soo batay shirkadaha duulimaadyada ka sheeqeeya, kuwaasi oo shacabka u sahlaya in ay Puntland ka amba baxaan iyagoo ka degaya wadamada aynu deriska nahay.

Shirkadda National Airways Puntland oo ka mid ah shirkadahaasi ayaa duulimaadkeedi ugu horeeyey oo toos ah ka bilowday Puntland iyo Itoobiya, iyadoona ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Jenaraal Maxamad Abshir.

Xafladda xarig jarka duulimaadkaasi ayaa waxa ay ka dhacday gudaha garoonka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmad Cilmi Cismaan Karaash, Qunsulka Itoobiya u fadhiya Garowe Asmalaash, wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Maryan Axmed Cali, ganasato isugu jirtay Soomaali iyo ajanabi, culimo’udiin, dhalinyaro, haween, odayaal dhaqmeed, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Shirkadda National Airways Puntland ayaa duulimaadkeedu ku kala bixin doonta magaalooyinka kala ah Addis Ababa-Garowe. Garowe-Addis Ababa. Garowe-Muqdisho.

Muqdisho Adis Ababa. Garowe Hargeysa. Hargeysa -Addis Ababa, iyadoo qorshu yahay Garowe-Dubai. Dubai-Addis Aaba

Madax shirkadda National Airways Puntland Faarax Caabi Samatar ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay qabanayso shirkadda, waxa uuna sheegay in todobaadkiiba seddex jeer ay si toos ah u shaqeyn doonto shirkadda.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Garowe Asmalaash oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in diyaaradan ay muhiim u tahay shacabka Itoobiya iyo Soomaalliya, iyadoona shirkadan ay tahay shirkaddii labaad ee dhinaca duulimaadka dalka Itoobiya.

Wasiirka ganacsiga iyo weshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha-guran ayaa dhankiisa sheegay in diyaaradan muhiimad weyn u leedahay shacabka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmad Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkadda National Airways Puntland.

Madaxda shirkadda ayaa intaasi kadib qado sharaf u sameeyey madaxdii ka soo qeyb gashay xarig jarka, iyadoona si kormeer ah loo geeyey xafiiska shirakadda oo ku yaala wadada Makka Al-Mukarama.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *