5 Qodob ka qaado go’aankii Golaha Wakiilada Puntland ee doorashooyinka 2019.

Published: August 14, 2018
Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi

Kalfadhigii Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta soo saarey lifaaqa doorashada 2019, waxaana ay wax ka beddeleen lifaaqii hore ee doortashada, kaas oo ka koobnaa 8 qodob.

Haddaba shan arrimood oo muhim ah ka qaado go’aankii Baarlamaanka.

1. Baarlamaan la kala diraayo ma jirto

Afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in baarlamaanka hadda jira uu beddalaayo baarlamaan kale oo la soo dhamaystiro ugu danbeyn 31 Diseembar, arrintan ayaa meesha ka saareysa qaabka ay u dhaqmi jireen Madaxweynayaashii Puntland ee 2008 iyo 2013 kuwaas oo 31 Oktoobar kala direy Xildhibaanada Golaha Wakiilada si loo soo doorto kuwo cusub.

2. Muddo kororsi oo meesha ka baxay

Muddooyinkii danbe waxaa socdey wel-wel laga qabey in Xukuumadda Cabdiweli Cali Gaas isku daydo muddo kororsi. Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa si cad u sheegay in doorashada Madaxweynhu dhacayso maalinteedi 8 Janaayo 2019.

3. Guddiga doorashada ee Puntland oo sii jiri doona

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole markii ay socon weydey nimaadkii Xisbiyada ee qaabkiisa la saluugey, waxa uu kala direy guddigii doorashada ee kumeel-gaarka ahaa, haddaba dhismihii mar labaad ee guddiga ayaa Madaxweyne Cabdiweli ka qaatey wakhti aad u dheer, golaha Xildhibaanada Puntland waxay guddiga doorashada kumeel-gaarka ah siiyeen ilaalin ay ka nabad galaan in la kala diro, tan oo meesha ka saareysa Madaxweyne kasta oo la doorto in uu wakhtiga ka dhumiyo in nidaamka xisbiyada loo gudbo.

4. Guddiga xalinta khilaafaadka.

Maadaama Baarlamaanku meesha ka saarey in aan la kala diri doonin oo ay jiri doonaan ilaa Baarlamaan beddala yimaado, ayaa la is weydiinayaa sida uu noqon doono dhismaha guddiga xalinta khilaafaadka, ee ka shaqeeya in ay soo saaraan Xildhibaanka saxda ah ee wata saxiixa u danbeeya ee isimka beesha, horey waxaa u soo dhisi jirey Madaxweynayaasha Puntland, inkasta oo ay dhiseen xili ay baarlamaanka kala direen, haddaba sanadkii 2013 bishii Luuliyo ayaa golaha wakiilada ee Puntland ku guuldaraysteen in ay xeer u sameeyaan guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaana sababey shirguddoonka oo aad u jilicsanaa si toos ahna looga maamulaayey xaruntii ururkii Hoseed Party ee Madaxweyne Faroole, Xildhibaanadii 2013 ayaa isku raacay in guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah ay soo xuli doonaan Guddiga Khilaafaadka, laakiin Madaxweyne Faroole ayaa guddigaas kala direy isla bishii Oktoobar. Sida qaar kamid ah Xildhibaanada golaha wakiiladu Horseed Media u sheegeen mar sii horeysey waxay wadaan qorshe ay xeer ugu samaynayaan sanadkan, waxaana taas sii dheer sida ay sharci u noqoenyso in Madaxweynaha Puntland keligiis soo magacaabo guddigaas iyada oo Xildhibaanadii Golaha Wakiilada aan la kala dirin, magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ayaa dhaliya muran badan taas oo sababtey sanadkii 2013 in musharixiintii uu markaas kakid ahaa Dr Cabdiweli Cali Gaas ay magacaabaan guddioi kale oo bar-bar socdey kii Madaxweyne Faroole.

5. Calamaada fashilka iyo guusha ee Xukuumadda Gaas

Madaxweynaha Puntland waxa uu khudbad uu ka jeediyey dalka Ingriiska sanadkii 2014 ku sheegeya haddii maamulkiisu ku guuldaraysto in uu Puntland ka hirgeliyeo nidaamka xisbiyada, macnaheedu yahay in maamulkiisu fashil yahay, waxayne ahayd tusaale, miqyaas iyo tusmo isagu u dhigey waxa lagu qiimeyn doono maamulkiisa, waxaana dib loogu noqdey markii shanaad nidaamkii gobolada, degmooyinka iyo beelaha ee horey wax loogu qaybsadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *