Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyo ka tirsan Shabaab

Published: August 14, 2018

Ciidammada Xoogga Dalka ayaa la sheegayaa in ay gacanta ku dhigeen Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisin ay ku lahaayeen ciidanka deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay iyadoo mid ka mid ah uu dhaawac yahay.

Sarkaal ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in ay heleen xog ku saabsan Maleeshiyo dooneysay inay Weerar kusoo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii Shabaab ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Gaadiid Safar ah.

Sidoo kale Sarkaalka ayaa intaa ku daray in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta nin ee ay kooxda Al-shabaab ka qabteen iyagoo nool.

Ciidammadda Xoogga Dalka ayaa maalmahan wada howl galo ay si joogta ah ugu fashilinayaan Falalka amni darro oo Shabaab ay doonayaan inay shacabka u geystaan

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *