Saraakiil ka tirsan Hay`adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Tababar uga furmay Tanzania

Published: August 14, 2018

Saraakiil ka tirsan Hay`adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar la xariira hubinta dukumintiyada iyo habka loo bixiyo tababarada waxaa uu uga furmay Dalka Tanzania. Saraakiisha tababarku u furmay ayaa lagu sheegay tiradooda 20 sarkaal.

Tababarkan oo ay bixinayaan khuburo heer caalami ah oo ka socda dalalka Yurub iyo Hay`adda Socdaalka Aduunka IOM ayaa waxaa daahfuray Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Cabdulahi Xaaji Bashiir.

Tababarkaan ayaa waxaa looga goleeyahay in kor loo qaada saraakiisha Haya`ada Socdaalka iyo Jinsiyaadka DFS aqoontooda.

Tababarka oo socon doona muddo 10 cisho ah ayaa saraakiisha qaar loo tababari doono macalinimo si ay aqoonta la soo baray ay uga sii faaideyaan saraakiisha kale ee Hay`addaoo aan tababarkaan aan soo xaadirin.

Horseed Media

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *