Duqa caasimada oo la kulmay gudiga carwada buugaagta

Published: August 18, 2018

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng,Yariisoow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey boqolaalka qoreyaasha ah ee dhallinyarada u badanaa, kuwaas oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka iyo dibaddaba, dadaalka ay bixiyeen, isagoona tilmaamay in bandhigga buugaagta Muqdisho uu fursad u noqday maktabado laga qorsheynayo in laga hirgeliyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Kasakow boqollaalkii aqoonyahannada ahaa ee maalmihii la soo dhaafay fursad u helay in ay ka faaiideystan buugaagta aad soo bandhigteen, haddana waxaa ka dhex abuurmay carwada buugaagta Muqdisho qorsheyaal lagu hirgelinayo Maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaareey oo boqolaal buugaag ah loogu yaboohay.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go`an tahay ka shaqeynta sidii loo joogteyn lahaa Carwada Buugaagta Muqdisho, iyadoona dhiiri gelin joogta ah loo sameynayo qalinleyda iyo xarumaha cilmi barista Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xarumaha Waxbarashada in ay ka qeyb qaataan baahinta buugaagta lagu soo bandhigay Carwada, si dhalinyarada loogu jiheyo wax qorista iyo wax akhrinta.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *