Taliye ku xigeenkii xilka laga qaaday ee NISA oo xil kale loo magacaabay

Published: August 18, 2018

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la taliye sare oo golaha shacabka ah loogu magacaabay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee Hay`adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ee NISA.

Cabdiqaadir ayaa dhawaan kamid ahaa shakhsiyaadkii uu madaxaweynaha Soomaaliya xil ka qaadista ku sameeyay waxaana haatan uu u weecanayaa shaqooyinka golaha shacabka oo uu la taliye sare uga noqonayo xafiiska gudoomiyaha golaha Shacabka barlamaanka Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *