Australia: Xisbiga Liberal Party Oo doortay Ra’iisul wasaare cusub

Published: August 24, 2018
Raysalwasaaraha cusub ee Ustraaliya

Ustaarliya ayaa yeelatey raysalwasaare cusub kadib markii alcolm Turnbull, kacdoon kaga dhex bilowdey xisbigiisa dhexdiisa.

Raysalwasaaraha cusub ayaa ah wasiirkii Maaliyadda Scott Morrison oo 50 jir ah, waxaana uu noqonayaa hoggaamiyaha Xiasbiga Liberaalka, waxay ahayd lama filaan, waxaana si weyn loo saadaalinaayey in Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Peter Dutton uu xilka la wareegi doono.

Morrison waxaa xisbiga dhexdiisa kula tartamey Wasiirkii arrimaha dibadda Julie Bishop, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Peter Dutton, Bishop ayaa wareegii horeba ku hartey, waxaana ay wareegii labaad ku kala baxeen Morrison 45 cod halka Dutton uu helay 40 cod.

Kooxdan gadoodka wada oo uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee arrimaha Guddaha Peter Dutton ayaa doonayey inay la wareegaan hogaanka xisbi Xaakimka isla markaana Malcom Turnbull uu isaga dego xilka Raysalwasaaraha.

Salaasadii lasoo dhaafay ayaa cod ka dhex dhacay xisbiga Liberalka ee talada haya uu codka kalsoonida ku helay Raysalwasaare Turnbull, balse maalin kadib ayey xubno kamid ah taageerayaashiisii ku biireen kooxda uu hogaaminayo Mr.Dutton.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *